Baydhabo (Dawan) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur “Madoobe”, ayaa xalay kulan amni la qaatay saraakiil ka tirsan ciidamada qalabka sida ee ku sugan magaalada Baydhabo, iyadoo dowladda Federaalka ay kordhinayso dadaallada lagu xasillinayo Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed kadib isbeddello siyaasadeed oo dhowaan dhacay.
Kulanka oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qeyb galay saraakiil sare oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada deegaanka, kuwaas oo door ku lahaa howlgal lagu sheegay in maleeshiyaad laga saaray waddada muhiimka ah ee isku xirta Muqdisho iyo Baydhabo.
Saraakiisha ayaa guddoomiyaha ka siiyay warbixin ku saabsan natiijada howlgalka iyo xaaladda amni ee ugu dambeysay ee magaalada Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay Golaha Shacabka.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta ammaanka magaalada iyo dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxaha hubeysan ee ku sugan deegaanada ku dhow, iyadoo ciidamada dowladda ay sii xoojinayaan gacan ku haynta kadib maalmo xiisado ah.


