MUQDISHO, Abriil 2 (Dawan ) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa inuu Khamiista u safro magaalada istiraatiijiga ah ee Baydhabo, sida ay Dawan u xaqiijiyeen ilo xog-ogaal ah.
Booqashadan heerka sare ah ayaa ku soo aadaysa xilli isbeddel siyaasadeed oo weyn uu ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, kadib markii madaxweynihii maamulkaas Cabdicasiis Xasan Maxamed “Laftagareen” uu iscasilay 30-kii Maarso.
Safarka ayaa sidoo kale imanaya kadib markii ciidamada dowladda federaalka ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada Baydhabo, kaddib khilaafyo siyaasadeed iyo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo maalmahan ka socday gobolka Baay.
Mas’uuliyiin federaal ah oo uu ka mid yahay Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo wasiirro ayaa hore u gaaray Baydhabo, iyagoo sheegay inay sameeyaan dadaallada dib u heshiisiinta bulshada deegaanka iyo in Doorsho Qof iyo Cod ah ka dhacdo deeganaka oo maamulka uu hoggaam doorto.


