Jigjiga –Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar, ayaa Madaxtooyada deegaanka ku qaabilay qaar kamid ah hoggaanka sare ee ururka Jabhadda Xoreynta Ogaadeeniya (ONLF), kuwaas oo ay hoggaaminayeen mas’uuliyiin uu kamid yahay Cabdikariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax).
Kulankan ayaa yimid xilli mas’uuliyiinta ONLF ay booqasho ku tageen Madaxtooyada Jigjiga, taasoo la xiriirtay munaasabadda Ciidul-Fidriga. Inkasta oo aan si rasmi ah loo shaacin qodobada looga wada hadlay kulanka, haddana xafiiska Madaxweynaha DDS ayaa sheegay in kulanku ahaa mid ay labada dhinac isugu hambalyeynayeen maalmaha ciidda.
Kulanka ayaa kusoo beegmay xilli khilaafaad xoogan uu ka dhex jiro ururka ONLF iyo dowladda federaalka Itoobiya. ONLF ayaa dhowaan war-saxaafadeed ay soo saartay ku eedeysay dowladda Itoobiya inay ku guuldarreysatay fulinta heshiiskii nabadeed ee ay labada dhinac kala saxiixdeen lix sano kahor, kaasoo lagu soo afjaray dagaalkii dheeraa ee ka socday deegaanka Soomaalida.






