Addis Ababa (Dawan)- Dowladaha Itoobiya iyo Kuwait ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo dhigaya in la fududeeyo qaabkii dowladda Kuwait ay ku shaqaalaysiin lahayd muwaadiniinta Itoobiya.
Heshiiskan waxaa dhanka Itoobiya u saxiixay Wasiirka Shaqada iyo xirfadda Muferihat Kamil, dhanka Kuwait-na waxaa saxiixay Nasser Hajji Al-Mutairi oo ah safiirka Kuwait ee Itoobiya, sida laga soo xigtay warbaahinta dowladda Itoobiya.
Munaasabadda heshiisks, waxaa goob joog ka ahaa Solomon Soka oo ah wasiir ku xigeenka wasaaradda shaqada iyo xirfadda ee Itoobiya, Siciid Maxamed oo ah safiirka Itoobiya ee Kuwait iyo ma'suuliyiin kale oo ka kala socday labada dal.
Heshiiska ayaa ujeedkiisu yahay in la abuuro hannaan sharci oo qeexaya xuquuqda iyo faa'iidooyinka ay helayaan shaqaalaha Itoobiya ee Kuwait iyada oo sidoo kale kor loo qaadayo iskaashiga labada waddan.






