Hargeysa (Dawan)- Komishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa shaaciyey jadwalka ololaha doorashada madaxtooyada iyo xisbiyada , kaas oo bilaabanaya 19-ka October 2024 isla markaana socon doona illaa 10-ka Nofeembar 2024.
Jadwalkan ayaa si rasmi ah u qeexaya maalmaha ay xisbiyadu qaban doonaan ololahooda doorashada, waxaana xisbi kasta loo qoondeeyay maalmo gaar ah.
Xisbiyaadaan tartamaya ayaa gaaraya ilaa 10 waxayna isugu jiraan xibiyada hadda jira iyo Ururada u tartamaya in ay xisbiyo nooqdaan.
Maalmaha ololahooda doorashada ayaa Xisbiyada hadda jira ee seddexdda ah waxay heleen seddex maalin halka ururada doonaya in ay u gudbaan xibiyadana ay labo maalin heleen.
Ololaha doorashada ayaa u dhici doona sidan:
19-ka Oktoobar iyo 29-ka Oktoobar waxaa is leh BARWAAQO
20-ka Oktoobar iyo 30-ka Oktoobar waxaa is leh : REJO
21-ka Oktoobar iyo 31-ka Oktoobar waxaa iska leh: HORSEED
22-ka Oktoobar iyo 1-da Nofeembar waxaa iska leh: TALO-WADAAG






