Muqdisho Soomaaliya – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ayaa maanta ka furtay laanteedii saddexaad ee caasimadda Muqdisho, gaar ahaan degmada Dayniile. Talaabadan ayaa looga golleeyahay in la fududeeyo helitaanka adeegyada socdaalka iyo jinsiyadda ee muwaadiniinta ku nool magaalada.
Xilli uu ka hadlayay maanta munaasabadda furitaanka, Agaasimaha Guud ee hay’adda, Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa muujiyey rajo ah in xafiiska cusub uu ka caawin doono dadka deegaanka Dayniile iyo nawaaxigeeda inay si sahlan u helaan adeegyada, iyadoo la yareynayo dhibaatada ay leeyihiin safarrada dhaadheer ee ay u aadaan helitaanka dukumentiyada rasmiga ah iyo kaalmooyinka maamulka.
Dhuxulow ayaa sidoo kale xusay muhiimadda istiraatiijiga ah ee garoonka diyaaradaha Dayniile, isagoo ugu baaqay madaxda qaranka inay ka fiirsadaan in garoonkaasi loo isticmaalo sidii garoon labaad oo lagu qaado diyaaradaha gudaha, si looga hortago culeyska sii kordhaya ee garoonka Aadan Cadde ee caalamiga ah.





