Maxamed CabdiLaascaanood, SSC-Khaatumo – Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo, Cabdiqadir Axmed Aw-Ali, ayaa si rasmi ah u furay Warshadda Biyaha ee Laascaanood, taas oo dib loo dhisay kaddib burbur xoogan oo kasoo gaaray dagaalladii dhowaan ka dhacay gobolka.
Warshaddan, oo markii hore maalgelin ku sameeyeen ganacsato maxalli ah, ayaa ah tan ugu weyn ee sifeysa biyaha gudaha SSC-Khaatumo. Kadib burburkii ay la kulantay, ganacsatadani ayaa hogaanka u qabtay dib-u-dhiskeeda, taasoo mar kale muujineysa go’aan adag oo ay ka leeyihiin horumarka bulshada.
Isku-filnaansho iyo Horumarin
Intii lagu guda jiray munaasabadda, Aw-Ali ayaa uga mahadceliyay ganacsatada doorkooda muhiimka ah ee dib-u-dhiska warshadda, isagoo xusay in SSC-Khaatumo ay tahay maamul ku dhisan isku-filnaansho oo aan ku tiirsaneyn caawimaad shisheeye. Waxa uu carrabka ku adkeeyay in maamulka SSC-Khaatumo uu dadaal badan gelinayo sidii loo horumarin lahaa mashaariicda adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan helitaanka biyo nadiif ah.
"Waxaan bishii Oktoobar u dirnay koox qiimeyn ah magaalada, waqtigaasna wax guryo burbursan ah lagama helin. Goobihii colaadda ugu daran ay saameysay waxaa dib loo dhisay muddo laba bilood gudahood ah, xitaa si ka wanaagsan sidii hore," ayuu yiri Aw-Ali.
Xildhibaan Cali Warsame Dhakawe, Wasiirka Biyaha iyo Macdanta ee SSC-Khaatumo, ayaa sheegay in warshadda biyaha lagu maamuli doono hanaan iskaashi ah oo u dhexeeya SSC Khaatumo iyo ganacsatada gaarka loo leeyahay. Nidaamkan wuxuu xaqiijinayaa in warshaddu noqoto hanti wadaag ah oo ay bulshada iyo maamulkaba ka wada faa’iideystaan.



