Soomaaliya, 18 Oktoobar 2025 — Magaalada Laascaanood ayaa isu diyaarinaysa xafladda Caleema Saarka Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka cusub ee Dowlad Goboleedka Waqooyi-bari, oo ah dowlad goboleedka lixaad ee Federaalka Soomaaliya.
Xafladda, oo la filayo in lagu qabto usbuucan, ayaa ka dambeysa doorashadii goboleed ee dhacday 30-kii Agoosto 2025, taasoo lagu doortay Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) Madaxweynaha iyo Cabdirishiid Yuusuf Jibriil Madaxweyne ku-xigeenka.





