Addis Ababa (Dawan)- Weerar lagu qaaday degmada Kiramu ee gobolka Oromia, 14kii September, 2024, ayaa galaaftay nolosha laba qof oo ka kala tirsan maamulka deegaanka iyo xisbiga haya talada Itoobiya.
Labada qof ee la dilay ayaa kala ahaa Alamiro Reta oo ahaa madaxii maamulka Sire Doro iyo Akile Fikadu oo ahaa hogaamiyaha xisbiga Barwaaqo ee Sire Dhooro.
Weerarka waxaa sidoo kale ku dhaawacmay mas'uul kale oo ka tirsan maamulka deegaanka, sida ay sheegeen dad goob-joogayaal ah.



