Tog Wajaale (Dawan) – Laba qof ayaa ku geeriyooday, laba kalena si daran ayaa ugu dhaawacmeen shil gaadhi oo fiidkii Sabtidii ka dhacay duleedka bari ee magaalada Tog Wajaale, sida ay sheegeen saraakiisha Booliska Somaliland.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in Shilku waxa uu ka dhacay inta u dhaxaysa Kala-bayr iyo Wajaale markii gaari yar oo noociisu yahay Probox uu dhabarka ka galay gaari xamuul ah. Shilkan ayaa sababay dhimashada laba qof iyo dhaawac culus oo soo gaaray laba kale, kuwaas oo la dhigay isbitaalka guud ee Gabiley.
Booliska ayaa xaqiijiyey in baaritaan lagu ogaanayo sababta shilka uu socdo, iyadoo ciidamada nabadgelyada waddooyinku si dhow u baarayaan dhacdada.



