Muqdisho (Dawan)- Qaar ka mida Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee ka soo jeeda Koonfur Galbeed ayaa xalay shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, iyaga oo ku eedeeyay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Laftagareen inuu masuul ka yahay abaabulkii bulshada ee lagu taageerayey joogitaanka ciidamada Itoobiya ee gobolka Bakool.
Xildhibaanada oo soo saaray war-saxaafadeed ku saabsan arrintaas, ayaa ku eedeeyey Madaxweyne Laftagareen inuu ka shaqeynayo falal ka dhan ah qaranimada Soomaaliya. Waxay xuseen in bannaanbixii ka dhacay Xudur uu ahaa mid gef weyn ku ah qaranimada Soomaaliya, iyagoo tilmaamay in Laftagareen uu soo abaabulay dadkii dhigay bannaanbaxa lagu taageerayey ciidamada Itoobiya.
Sidoo kale, Xildhibaanada ayaa sheegay in shacabka degmada Xudur ay ku jiraan go'doon ay sababtay kooxda Al-Shabaab, iyadoo Madaxweyne Laftagareen uu ka gaabiyey inuu wax ka qabto xaaladdaas.
Waxay sheegeen in taasi ay sababtay in deegaannada Koonfur Galbeed aysan ka dhicin wax dagaal ah oo lagula jiro Al-Shabaab. Waxay intaas ku dareen in Madaxweyne Laftagareen uu hor istaagay qorshe ciidan oo lagu geyn lahaa ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo dhismaha saldhig ciidan oo loogu talagalay Danab.



