Baydhabo , 16 December 2025 (Dawan)- Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa magaalada Baydhabo ku qaabilay maanta Taliyaha Kulliyadda Tababarka Ciidamada Turkiga ee Turksom, Sarreeye Gaas Sebahattin, iyagoo ka wada hadlay tababarka, tayeynta iyo kor u qaadista xirfadaha ciidamada Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarinta awoodda Ciidamada Dowladda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed, iyo xoojinta iskaashiga amni ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
Labada dhinac ayaa bogaadiyay doorka Turkiga ee dib-u-dhiska hay’adaha amniga Soomaaliya, gaar ahaan tababarka ciidanka, tayeynta hoggaanka militariga, iyo horumarinta xirfadaha casriga ah ee lagama maarmaanka u ah sugidda amniga iyo la-dagaallanka kooxaha hubeysan.





