Munich (Dawan)- Bayer Leverkusen ayaa markii ugu horreysay ku guuleysatay horyaalka Bundesliga ee dalka Jarmalka tan iyo markii la aasaasay 120 sano ka hor, kaddib markii ay 5-0 ku garaacday kooxda Werder Bremen, kulnka 29-aad ee horyaalka.
Leverkusen ayaa ku guuleysatay horyaalka 5 kulan ka hor dhamaadka tartanka, taasoo soo afjartay awooddii Bayern Munich ee Bundesliga ee ay si isdaba joog ugu guuleysaneysay 11 xilli ciyaareed.
Florian Wirtz oo bedel ku soo galay ayaa noqday xiddigga ciyaarta kadib markii uu dhaliyay goolasha loo yaqaano (hat-trick) ee seddexleyda aH daqiiqadihii (68, 83 iyo 90), labada gool ee kale waxaa kala dhaliyay laacibka reer Nigeria Victor Boniface (25 rigoore) iyo Granit Xhaka daqiiqaddii (60).



