Gaarisa (Dawan)- Ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay deegaanka Kunaso ee hoos taga magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya, kadib markii ay soo cusboonaatay colaad beeleed u dhaxeysa dadka wada dega deegaanka.
Dadka deegaanka ayaa sheegay in kooxa hubeysan istaajiyeen gaari ay saarnaayeen dad shacab ah, islamarkaana ay dileen lix qof .
Wararku waxey intaas ku darayaan in dadka la dilay ay ku jireen labo arday oo dhigta dugsiga sare.
Lama oga sababta keentay colaada kasoo cusboonaatay deegaanka, balse waxaa hore u dhici jirtay in la isku qabsado dhul kadibana ay ka dhashaan dagaalo geysta khasaare nafeed iyo mid hantiyadeed.





