Soomaaliya, 29 October 2025 – Todobaadka Dalxiiska Puntland ayaa maanta si rasmi ah looga daahfuray Xeebta Mareero ee galbeedka magaalada Boosaaso, iyada oo goobta xaflad ay ka dhaceyso ay qiyaastii wax ka yar 10 kilometer u jirto halka uu ka socdo dagaalka u dhaxeeya ciidamada Puntland iyo Daacishta ku sugan qeybo ka mid ah biirahaCalmiskaad.
Munaasabadda furitaanka ayaa waxaa kasoo qayb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Puntland, maamulka degmada Boosaaso, iyo Wasaaradda Dalxiiska Puntland.
Xeebta Mareero ee galbeedka degmada Boosaaso ee gobolka bari ayaa socon doonta muddo 3 maalmood ah oo maanta ka bilaabatay, inta ay socoto waxaa lagu soo bandhigi doonaa waxyaabaha ay caanka ku tahay Puntland ee dalxiiska quseeya si ay u soo jeedato dalxiisayaal caalami ah.
Xeebta Mareero, waxa ay qiyaastii 10 kiiloomitir u jirta halka uu hadda ka socdo dagaalka u dhexeeya ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ee Buuraha Cal-Miskaad, sida uu sheegay Duqa Degmada Bosaaso Cabdiraxmaaan Cabdilaahi Cali, isaga oo halkiisa ku soo diray in sababta ay halkaan ugu dhigeen ay tahay in ay ku muujiyaan sida ay u wacan tahay in goob aad ka qabsatay koox kaa soo horjeeda aad bandhig dalxiis ku qabsato.





