Jig-jiga (Dawan)- Xuska 18aad ee maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta Itoobiya ayaa maanta ka furmay caasimadda dowolad deegaanka Soomaalida ee Jig-jiga.
Xuska maalinta qowmiyadaha iyo shucuubta itoobiya oo sannadkiiba mar laqabto ayay magaalada Jig-jiga nasiib u yeelato in ay marti geliso markii labaad.
Maalinta qowmiyadaha Itoobiya ayaa ah maalinti la ansixiyay dastuurka dalkaas ee xaqiijiyaya in qowmiyadaha wada leh dalka Itoobiya in ay isku maamulaan Afafkooda, dhaqankooda, iyo diintooda si madax banaan sida ku cad qodobka 39 ee dastuurka.
Maalintaan ayaa ku beegan 29-ka Hidaar ee calenderka Itoobiya ama 8-da December ee sannad kasta.
Xuska 18aad ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta Itoobiya ayaa sannadkan loo xusi doonaa si ka duwan xusaskii hore iyada oo muddo 5 cisho ah la xusi doonto laga bilaab0 25-ta bisha Hidaar ilaa 29-ka, una dhiganta 5-ta ilaa 9-ka bishaan December.



