Mandera (Dawan)- Maamulada Gobollada Waqooyi-bari Kenya ayaa dadaal xoogan ku bixinaya sidii loo xakamayn lahaa sicirka maciishadda oo laga dareemay kor u kac kadib markii ay yaraadeen waxyaabihii uga imaan jiray Gobollada kale ee dalka.
Guddoomiyayasha Gaarisa, Wajeer iyo Mandheera oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in qiimaha maciishadda kor u kacay kadib markii ay ganacstada qaarkood keydasadeen badeecadihii taas oo ah tillaabo ka baxsan sharciga ganacsiga.
Madaxda Gobolladaan ayaa digniin culus u diray ganacsatada keydsata badeecadaha kadibna dadweynaha ku kordhiya qiimaha, iyaga oo ballan qaaday in laga qaadi doono tillaabo waafaqqsan sharciga sida in lagala laabto shatiga ganacsiga.
Laamaha amniga iyo dembi baarsita ayaa iyagana la faray in ay baaritaan ku sameeyeen ganacsatadii falkaas ku kacda si loo horgeeyo sharciga.
Xakameynta maciishadda ayaa muhiim u ah dadweynaha ku nool Gobollada Waqooyi-Bari Kenya kadib markii fatahaadaha roobabku sababeen in wax lasoo geli waayo gobolladaan mddo dhowr isbuuc ah.





