Gedo, Soomaaliya - Guddoomiyaha Gobolka Gedo, Maxamed Xuseen Al-Qaadi, ayaa ka digay qorshayaasha guddiga doorashooyinka ee ku saabsan in ay doorashooyin ka qabtaan gobolka, isagoo sheegay in aysan oggolaan doonin in doorashooyin aan la isku raacsaneyn ay ka dhacaan Gedo.
Al-Qaadi ayaa sheegay in muddooyinkii dambe ay arkayeen qaar ka tirsan guddiga doorashooyinka oo sheegaya in doorashooyinka ay ka dhici doonaan Gedo, taasoo uu ku tilmaamay mid aan la aqbali karin.
Guddoomiyaha ayaa si adag u sheegay in aysan jirin guddi doorasho oo ay isku raacsan yihiin Jubaland iyo dowladda Federaalka isagoo intaas ku daray in haddii ay isku dayaan tallaabadaas, waxa ka dhasha ay masuuliyadda qaadi doonaan.





