Soomaaliya, 25 September 2025 - Gudoomiyaha gobolka banadir ahna duqa magaalda Xasan Maxamed Xuseen (Mungaab) ayaa diiday bananbax uu ku baaqay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed kuwaas oo dowladda ka dhan ah. Shariif ayaa horay ugu baaqay banaanbaxyo ka dhan ah dowladda oo seddex goobood oo muqdisho ah ka dhaco.
Mungaab oo khudbad ka jeediyay habeennimadii Arbacada kulan ay dowladda ku cambaareyneysay oo ka dhacay degmada Kaaraan, ayuu si cad u diiday banaanbaxyada aan ayaga lagu soo wargalin oo aysan raali ka ahayn. Isagoo sheegay in mucaaradka uu ku eedeeyay in ay ku fashilmeen siyaasadda ay doonayeen, isla markaana fowdo iyo qas ka kiciyaan magaalada. Wuxuu fariin u diray shacabka in aysan qeyb ka noqon waxa ay wadaan mucaaradka.
Gudoomiyaha ayaa isoo kale sheegay in wixi shalay ka dhacay saldhiga degmada Warta nabadda ay ahaayeen wax ka fog sharciga iyo dowladnimada, isaga oo intaas ku daray ay ahaayeen duulaan cad oo mucaaradka ay ku soo qaadeen dowladda.
“Mudaaharaad ay ku baaqi karaan ma jirto, meelna ma xukumaan, cidii u tagta oo aktooda istaagta, iyadaa fowdo gacanteeda ku doonatay. Ciidamada amniga, anigoo Guddoomiyaha ah, waxaan halkaan ka amaraya in cid kasta oo isku dayda inay wax u geysato nabadda iyo xasilloonida magaaladan ay tallaabo sharci ah ka qaadaan. “ ayuu yiri guddomiyaha gobolka Muungaab.





