Wajeer (Dawan)- Macalimiinta dhamaysatay kuliyadda tababarka macallinimo ee ismaamulka Wajeer ayaa ka cabanaya shaqo la'aan baahsan oo haystay 10-kii sano ee la soo dhaafay, waxayna codsi u direen dowladda ismaamulka si ay u shaqaalaysiiso.
Macallimiintan bartay xirfadda macallinimada aasaasiga ah ee ECDE ayaa ah kuwo haysta shahaadada diploma, waxayna bannaanbax ka hor dhigeen xarunta ismaamulka Wajeer si codsigooda uu u gaaro mas'uuliyiinta.
Macallimiinta ECDE ayaa ku nuuxnuuxsaday baahida loo qabo in la shaqaalaysiiyo macallimiin cusub oo wax ka dhiga fasallada hoose, maadaama aan la shaqaalaysiin muddo ku dhow 10 sano.
Shaqaalaysiintii ugu dambaysay ee macallimiinta waxbarashada aasaasiga ah waxay ahayd xilligii ugu horreysay ee maamul daadejinta sanadkii 2014-kii, taas oo ay ku tilmaameen caddaalad darro.





