Nairobi (Dawan)- Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya, Rigathi Gachagua ayaa ku amray Guddiga Adeega Macalimiinta ee loo yaqaano TSC in aysan shaqada ka cayrin 122 Macallin kuwaas oo hore u dalbaday in laga soo beddelo shaqada dusgiyada ku yaal Gobolka Waqooyi-Bari ee Kenya.
Macallimiintaan ayaa hore u gudbistay codsi ahaa in loo sameeyo beddel sababo la xiriira amniga Gobolka oo aan ahayn mid la isku halleyn karo.
Mar uu ka hadlayay shirweynaha 63-aad ee Ergooyinka Qaran ee Ururka Macalimiinta dalka, ayy Gachagua xusay in Macalimiinta ay doonayaan kaliyah inay naftooda ilaaliyaan, isagoo sheegay in dowladdau ay qaaday tillaabooyin lagu hubinayo in gobolka Waqooyi-Bari uu noqdo mid ammaan u ah macallimiinta, ardayda iyo dhammaan dadka deegaanka.
Hadalka Madaxweyne ku xigeenka ayaa yimid ka dib markii bishii October shaqo joojin ku meel gaar ah lagu sameeyay macallimiin wax ka dhigayay dugsiyada gobolka Waqooyi-Bari oo aan deegaannada u dhalan kuwaas oo diiday inay dugsiyada ku laabtaan iyaga oo ku andacoonaya in ay jirto amni darro.



