Kenya (Dawan) – Macallimiin ka shaqaynayay dugsiyo ku yaalla deegaannada xuduudka Kenya iyo Soomaaliya ayaa qaxay goobahoodii shaqo kaddib weerar ay ka fulisay kooxda Al-Shabaab, kaas oo sababay dhimashada mas’uul maamul iyo macallin dugsi, saddex maalmood ka hor.
Macallimiintu waxay sheegeen in ugu yaraan 19 macallin oo ka tirsan Dugsiga Hoose ee Hoolugo ay ka tageen magaalada xuduudka ah, una guureen magaalada Gaarisa, iyagoo cabsi ka qaba ammaankooda, isla markaana caddeeyay inaysan ku laaban doonin shaqada ilaa laga siiyo dammaanad amni oo ku filan.
Waxay intaas ku dareen in ay bannaanbax ka hor samayn doonaan xafiisyada Hay’adda Adeegga Macallimiinta ee Gaarisa, ilaa loo wareejiyo deegaanno ammaan ah.
Maamulaha Dugsiga Hoolugo, Qaasim Cusmaan Roble, ayaa macallinka la dilay, Stephen Mosely, ku tilmaamay macallin xil-kas ah, edeb badan, oo ay ka go’aneed shaqadiisa, isaga oo sheegay in bulshada waxbarashadu ay ku jirto murugo kaddib geeridiisa.
“Si weyn ayay noo saameysay dhacdadan. Wuxuu ahaa macallin daacad ah oo mar walba waqtigiisa ilaaliya,” ayuu yiri Roble, isagoo xusay in Mosely uu dugsiga ka shaqaynayay saddex sano.
Weerarka kaddib, cabsi ayaa lasoo deristay macallimiinta ku sugan aagga xadka, qaarna si qarsoodi ah ayay uga tageen shaqada, halka warar kalena ay sheegayaan in macallimiin kale ay habeenkii u hoydaan meelo kala duwan si ay uga fogaadaan bartilmaameedyo suurtagal ah.
Talaadadii, Ku-xigeenka Taliyaha Guud ee Booliiska Maamulka, Gilbert Masengeli, ayaa booqday Hoolugo, halkaas oo uu kula hadlay ardayda dugsiga hoose isla markaana uu kulan amni la yeeshay hoggaanka deegaanka.





