Muqdisho – Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Gaashaandhigga, Cumar Cali, ayaa sheegay in ciidanka Macawiisleyda la qorsheynayo in lagu daro Xoogga Dalka Soomaaliyeed, si ay u noqdaan qeyb ka mid ah ciidamada rasmiga ah ee qaranka.
Wasiirka oo waraysi siiyay Telefishinka Dowladda ayaa xusay in marka laga gudbo dagaallada socda, ciidanka Macawiisleyda la xareyn doono si loogu daro Xoogga Dalka.
“Ciidanka Macawiisleyda ee hadda jooga waxaan rabnaa inaan ka dhigno ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, xaq ayayna u leeyihiin,” ayuu yiri wasiiru-dowlaha.
Wuxuu sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah Macawiisleyda horey loo diiwaan-geliyay, qaar kalena ay tababar ku qaadanayaan dibadda, halka kuwo kale ay ka tirsan yihiin ciidamada Nabad Sugidda, Booliska iyo Xoogga Dalka.





