Jowhar, 10 November 2025 – Madasha Arrimaha Bini’aadantinimada Soomaaliya ayaa maanta ka furmaysa magaalada Jowhar, iyadoo mas’uuliyiintu sheegeen in sanadkan ay si aad ah u yaraadeen deeqaha ay Soomaaliya ka hesho caalamka.
Soomaaliya ayaa sanadkan codsatay 1.42 bilyan oo doolar si wax looga qabto xaaladaha bini’aadantinimo ee dalka, balse waxa ay heshay kaliya 272.8 milyan oo doolar, taas oo ah 19% keliya oo ka mid ah lacagtii la rabay. Hoos u dhacaas ayaa la xiriira go’aankii Mareykanka uu ku dhimeeyay deeqihii uu caalamka siin jiray, taas oo si weyn u saamaysay mashaariicda lagu badbaadinayo dadka ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha, iyo colaadaha.
Shirka ka furmaya Jowhar ayaa isku keenaya mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socda gudaha iyo dibadda, oo ay ka mid yihiin Agaasimaha Guud ee SoDMA Maxamuud Macalin, Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe, Agaasimaha Wasaaradda Beeraha ee Federaalka, iyo wufuud ka kala socota Bangiga Adduunka, Boqortooyada Ingiriiska, Mareykanka, Midowga Yurub, Turkey, iyo bulshada rayidka ah.







