Muqdisho (Dawan)– Madasha Samata-bixinta Soomaaliya ayaa si adag u cambaareysay go’aanka Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, iyadoo ugu baaqday hay’adaha caalamiga ah inay si cad uga hor yimaadaan isku day kasta oo lagu xadgudbayo madax-bannaanida iyo midnimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay madasha ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay tahay xadgudub weyn oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah, isla markaana halis gelinaysa midnimada dhuleed ee Soomaaliya iyo xasilloonida guud ee Geeska Afrika.
“Waxaan si cad oo aan shaki ku jirin u diidnaynaa tallaabo kasta ama heshiis kasta oo wiiqaya midnimada, madax-bannaanida iyo xuduudaha caalamiga ah ee Soomaaliya la aqoonsan yahay,” ayaa lagu yiri bayaanka, iyadoo aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland lagu tilmaamay weerar toos ah oo lagu qaaday shuruucda caalamiga ah iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Qaramada Midoobay.




