By Asha Elmi
MUQDISHO, Soomaaliya – Madasha Samatabixinta Soomaaliyeed ayaa soo saartay war-saxaafadeed muujinaya walaac weyn oo ku saabsan habka xulista xubnaha Guddiga Madaxabannaan ee Xuquuqul Insaanka. Madasha waxay sheegtay in habka xulista uu si cad u baalmarsan yahay qodobbada 41aad iyo 111B ee Dastuurka Ku-Meel Gaarka ah, kuwaas oo dhigaya in Baarlamaanka Federaalka uu dhiso guddiga xuquuqda aadanaha oo madax bannaan, loona baahan yahay in uu ahaado mid loo dhan yahay.
Sidoo kale, Madasha ayaa tilmaantay in habka xulista xubnaha Guddiga uu ka hor imanayo Sharciga Lr. 16 ee soo baxay 27kii Juun 2016, kaas oo faahfaahiyay habka loo marayo xulista xubnaha guddiga, gaar ahaan qodobkiisa 15aad, kaas oo qeexaya in Wasiirka Xuquuqul Insaanka, isagoo la tashanaya Dowlad Gobolleedyada iyo hay’addaha bulshada rayidka ah, ay soo magacaabi doonaan sagaal iyo toban (19) xubnood oo ka mid noqonaya guddiga.
“Madasha waxay dalbanaysaa in la hakiyo xulista magac u yaalka ah ee Guddiga loo marayo o aanan waafaqsaneyn Dastuurka dalka iyo Sharciga Lr. 16 ee lagu dhisayo Guddiga,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.



