Dhuusamareeb (Dawan)- madax ka kala socota dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka ayaa kusii qulqulaya magaalada Dhuusamareeb ee maamul goboleedka Galmudug oo maalmaha soo socda marti gelin doonta shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Ra'iisul waaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre iyo ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta gaaray Dhuusamareeb, iyaga oo soo dhaweyn kala kulmay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Ra'iisul wasaaraha ayaa ku bogaadiyay maamulka iyo shacabka Galmudug sida hagar la’aanta ah ee qaybta uga qaadanayaan halganka dalka lagaga xoreynayo kooxaha Khawaarijta, sida lagu qoray bogga Facebook ee xafiiska ra'iisul wasaaraha.
Sidoo kale, magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug, waxaa maanta gaaray Guddomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) iyo wafdi uu hogaaminayo.
Madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Laftagareen) ayaa ka mid ah madaxda maanta gaartay magaalada Dhuusamaareb si uu uga qeyg galo shirka Golaha Wadatashiga Qaran.
Madaxweynayaalka Hirshabeele iyo Jubbaland ayaa la filaya inay soo gaaran magaalada Dhuusamareeb laakin weli war rasmi ah lagama haayo inuu madaxweynaha Puntlanad Siciid Cabdullaahi Deni kasoo qeyb geli doono shirka.





