Jabuuti (Dawan)- Madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex maalin ku maraya dalka Jabuuti, isaga oo ujeedadiisu tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee Jabuuti, oo loo aqoonsan yahay saaxiibka muhiimka ah ee Midowga Yurub ku leeyahay gobolka.
Ujeedooyinka booqashadiisa waxaa ka mid ah qiimeynta howlgallada ciidamada badda ee Midowga Yurub ee gobolka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Midowga Yurub.
Borrell ayaa booqday maraakiibta dagaalka ee EUNAVFOR ASPIDES ee ilaalada badda iyo Xarunta Hawlgallada ee EUNAVFOR ASPIDES, wuxuuna kula dardaarmay saraakiisha uu la kulmay inay sii xoojiyaan howlgalladooda lagu ilaalinayo nabadda iyo xasiloonida marin-biyoodka badda ee gobolka.
Madaxa arrimaha dibadda ee Midowga Yurub ayaa bogaadiyay muhiimadda istiraatijiyadeed ee hawlgallada badda, isagoo bartiisa X, kusoo qoray “Hawlgallada EUNAVFOR Atalanta iyo EUNAVFOR ASPIDES waa kuwo kaabaya wacyigelinta xaaladda badda waxayna iska taageeraan ilaalinta xorriyadda socdaalka. Midowga Yurub wuxuu u mahadcelinayaa Jabuuti, oo taageeradeedu ay lama huraan u tahay in ay guuleystaan hawlgalladan"
Maanta oo Axad ah waxa uu Borrell booqday warshadda nadiifisa biyaha ee Doraleh oo uu maalgeliyo Midowga Yurub, taas oo ah ka mid ah mashruucyada kaabayaasha muhiimka ah ee wax looga qabanayo baahiyaha biyaha Jabuuti iyo xoojinta madax-bannaanida kheyraadka biyaha.





