Xudur (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed, iyadoo ay wehelinayaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur iyo Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed.
Kulanka oo ay ka soo qeyb-galeen Wasiirrada iyo Masuuliyiin heer Federaal ee Koonfur-galbeed ayaa xoogga lagu saaray qorshaha howlgalka wajiga Labaad ee dagaalka xoreynta dalka, iyadoo lagu soo bandhigay caqabadaha nololeed, bulsho iyo maamul ee argagixisada Al-shabaab ay dhaxalsiiyeen deegaannada Koonfur-galbeed, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.
Madaxda iyo masuuliyiinta heer Federaal iyo heer dowlad-goboleed ee Koonfur-galbeed ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda ku bogaadiyey sida ay uga go’an tahay in dalka laga xoreeyo kooxda Al-shabaab, iyagoo ballanqaaday in ay safka hore ka galayaan jiidaha dagaalka, abaabulka dadweynaha iyo taageerada wajiga Labaad ee halganka.





