Garoowe (Dawan)- Kadib markii ay soo dhamatay doorashada Madaxtinimo ee Maamul Goboleedka Puntland lana xaqiijiyay in mar kale dib loo doortay Siciid Cabdullaahi Deni, waxaa si is daba joog ah isaga soo daba dhacay hambalyada ka imaaneysa madaxda iyo siyaasiyiinta kala duwan ee Soomaalida.
Inkasta oo khilaaf siyaasadeed ka dhaxeeyay Deni iyo Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka hadana Madaxweyne Xasan iyo Ra'iisul Wasarre Xamsa kama daahin in ay u hambalyeeyaan Siciid Cabdullaahi Deni.
Xamsa ayaa bartiisa Facebook ku qoray ” Waxaan u hambalyeynaa Walaalkay Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo maanta mar kale dib loogu doortay Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland”
Villa Somalia waxa ay baahisay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud uu hambalyo u diray Madaxweynaha dib loo doortay ee Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne Kuxigeenka Puntland Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor.
"Madaxweynaha ayaa u rajeeyay dadka reer Puntland, maamul iyo bulsho-ba, xasillooni buuxda iyo horumar, waxa uuna muujiyey sida dowladda Federaalka Soomaaliya ay uga go’an tahay in ay doorkeeda ka qaadato nabadda, wadajirka iyo horumarka Puntland" ayaa lagu yiri, qoraalka kasoo baxay Villa Somalia.
Dhanka kale, siyaasyiinta Soomaaliyeed oo ay kawada muuqatay qoraaladooda sida ay isha ugu wada hayeen doorashooyinka Puntland ayaa si isku mid ah kuwada faafiyay hambalyo iyo duco barahooda bulshada.
Xasan Cali Kheyre: Waxaan Madaxweyne Deni u rajaynayaa in uu dadka iyo deegaannada Puntland ku hoggaamiyo horumar iyo xasillooni waarta, kana miradhaliyo geeddi-socodka dimuquraadiyadeynta Puntland.





