Kampala, 24 Abriil 2025 – Madaxdaxda wadamada qeybta ka ah Hawlgalka taageerada iyo xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) ayaa isku imaanaya Kampala, Uganda 25-ka Abriil 2025, si ay uga wada hadlaan arrimaha amniga iyo iskaashiga siyaasadeed ee ku saabsan Soomaaliya.
Shirkan ayaa la filayaa inuu yeesho muhiimad weyn, iyadoo labada dal ee Soomaaliya iyo Uganda ay ka wada hadleen muhiimada kulankan kadib booqashadii madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud ee Uganda bishii Abriil 2025. Wafdiga madaxweynaha Soomaaliya iyo hoggaamiyeyaasha dalalka ku jira AUSSOM, oo ay ka mid yihiin Kenya, Itoobiya, Jabuuti, iyo Masar, ayaa kulanka looga hadli doonaa xoojinta iskaashiga dhanka amniga, maareynta xuduudaha, iyo sidii loo taageeri lahaa dadaallada amni ee ka dhanka ah kooxaha xagjirka ah sida Al-Shabaab iyo Daacish.



