Gaarisa, Kenya – Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS), Mustafe Muxummed Cumar, ayaa ka qaybgalay bandhigga dhaqanka Gaarisa oo sanadkiiba mar la qabto, kaas oo ah munaasabad weyn oo lagu soo bandhigo dhaqamada kala duwan ee bulshada ku dhaqan gobolka Waqooyi Bari Kenya.
Madaxweynaha ayaa ka helay casuumaad rasmi ah masuuliyiinta dalka Kenya, taas oo uu kaga qaybgalay munaasabaddan lagu xusayo midnimada, wada noolaanshaha, iyo soo bandhigista hiddaha iyo dhaqanka bulshada gobolkaas, gaar ahaan bulshada Soomaaliyeed ee qaybta weyn ka ah nolosha iyo dhaqanka gobolka.
Intii ay munaasabadda socotay, Madaxweyne Mustafe ayaa jeediyey khudbad uu diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay xuska dhaqanka iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya dadka gobolka iyo ummadaha dariska ah. Waxa uu xusay in munaasabaddu tahay fursad lagu xoojiyo is-dhexgalka bulshooyinka, lana dhiirrigeliyo farshaxanka, suugaanta iyo cunto dhaqameedka.



