Xuska 18-aad ee maalinta qoomiyadaha iyo shucuubta Itoobiya ayaa sannadkaan loo xusaya si ka duwan xusaskii hore iyada oo muddeeda laga dhigay 5 cisho, laga bilaabo 25-ta bisha Hidaar ilaa 29-ka, una dhiganta 5-ta ilaa 9-ka bishaan December.
Xuska maalinta qawmiyadaha oo soo bilaawday 8-dii December 2006 ayaa laga xusaa guud ahaan dala Itoobiya sannad walbo xiligaan oo kale iyada oo sannadkaan ay fursad u heshay magaalada Jig-jiga in ay marti geliso ergooyinka kasoo qeyb gelaya.
Xuska maalintaan ayaa loogu tala galay in lagu xoojiyo isdhex galka iyo midnimada qowmiyadaha kala duwan ee ku nool dalka Itoobiya, kuwaas oo leh dhaqamo, diimo, luqado iyo soyaal taariikeed oo kala duwan.