Jabuuti, 23 Sebteembar 2025 – Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa caalamka ugu baaqay iskaashi wadajir ah si looga gudbo xaaladaha adag ee dunida ka jira, xilli uu ka qaybgalay munaasabadda lagu xusayay 80 sano guuradii aasaaska Qaramada Midoobay oo Isniintii lagu qabtay Mareykanka.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay baahida loo qabo nidaam caalami ah oo dib loo cusbooneysiiyo, kaas oo awood u leh in lagu wajaho caqabadaha waaweyn ee maanta dunida ka jira, oo ay ugu horreeyaan dagaallada iyo isbeddelka cimilada.
Sida lagu sheegay bogga rasmiga ah ee Madaxtooyada Jabuuti, Geelle oo khudbad dheer ka jeediyay xuska 80 sano guuradii saxiixii Axdiga Qaramada Midoobay ee San Francisco, ayaa carrabka ku adkeeyay in, iyadoo dib loo eegayo guulihii la gaaray, ay lama huraan tahay in Axdiga QM loo cusbooneysiiyo si uu uga jawaabo caqabadaha caalamiga ah ee hadda taagan, sida isbeddelka cimilada, saboolnimada baahsan, iyo khataraha nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.




