Nairobi (Dawan)- Ka dib mudaaharaadyo isu beddelay rabshado dhiig badana ku daatay oo ay ku nafwaayeen 22 qof, sida ay sheegtay hay’adda xuquuqul insaanka ee Kenya, ayuu madaxweyne William Ruto, wuxuu maanta ku dhawaaqay, inuu ka laabtay sharciya maaliyadda ee dhaliyay buuqa badan.
Ruto oo khudbad u jeediyay shacabka ayaa yiri; " Ka dib markii aan si fiican u dhegaystay dadka reer Kenya, oo si cad u yiri ma rabno Hindise Sharciyeedka Maaliyadda 2024, ma saxiixi doono, sidaas darteed waa laga noqon doonaa."
Hadalkan ayaa yimid ka dib markii dibbad baxayaashu wacad ku mareen in ay sii wadi doonaan mudaaharaadyada ay ku diidanyihiin canshuur kordhinta.
Boliiska dalka Kenya ayaa rasaas u adeegsaday shalay bannaan baxayaasha kuwaas oo gudaha u galay xarunta Baarlamaanka, waxaana dhintay dhowr qof, halka ay dhaawacmeen toboneeyo kale.
Mowjadda carada dhanka Baraha Bulshada ee ka dhalatay canshuur kordhinta ayaa cirka isku shareertay, waxaana xoogeystay mudaaharaadyada oo soo socday maalmihii lasoo dhaafay, waana qalalaasihii ugu xumaa intii uu talada hayay madaxweyne William Ruto oo xilka qabtay sannadkii 2022.
Mudaaharaadyada oo ay hormuud ka ahaayeen dhallinyaro ayaa si nabad ah ku billowday, waxaana waddooyinka Nairobi iyo magaalooyinka kale isagu soo baxay kumanaan dibadbaxayaal ah.
Sida laga soo xigtay hay’adaha aan dowliga ahayn, oo ay ku jirto Amnesty International, Boliiska ayaa adeegsaday rasaas nool iyagoo isku dayaya inay xakameeyaan dadka isku soo baxay ee doonayay in ay xoog ku galaaan xarunta Baarlamaanka. Dhismayaal ganacsi ayaa la bililiqaystay, qaar kalena waa la gubay.
Rabshadaha iyo muuqaalada qalalaasaha ee Nairobi ayaa sababay in Mareykanka iyo in ka badan 12 wadan oo Yurub ah in ay ka muujiyaan walaac, iyaga oo ugu baaqay in dowladdu wax ka qabato dejinta xaaladda.



