Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullahi Deni, ayaa si rasmi ah u dhagax dhigay dhismaha wadada isku xirta Gaalkacyo iyo Bacaadweyn, taasoo dhererkeedu yahay 40-kiloomitir. Mashruucan, oo ah maalgelin ka timid Puntland, ayaa noqonaya tallaabo weyn oo ku saabsan horumarinta kaabayaasha gudaha ee gobolka.
Madaxweynaha Deni ayaa sheegay in wadadan ay ahayd mashruuc muddo dheer soo socday oo qorshuhu ahaa in uu maalgeliyo Bangiga Horumarinta Afrika, laakiin isqabqabso dowladda dhexe iyo puntland oo hakad geliyay, balse ay Puntland qaaday tallaabooyin muhiim ah, iyadoo ka tashatay sidii wadada loo dhisi lahaa iyada oo aan sugayn mashruuc dibadeed mid dowlad dhexe.
“Wadadaan Waxaa lagu maalgelinayaa canshuurta shacabka Puntland, waxaana si toos ah u faa’iidi doona bulshadeena,” ayuu yiri Deni.





