Garoowe (dawan)- Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Siciid Cabdullahi Deni ayaa maanta magacaabay xubno ka mid noqon doona guddiga doorashooyinka Puntland ee (PEC).
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in xeer madaxweyne lagu magacaaabay Cabdullahi Siciid Ismaciil, Maxamad Abshir Garaad iyo Maxamuud Soofe Xasan oo ka mid noqon doona guddiga doorashooyinka Puntland.
Magacaabistaan ayaa kusoo beegemeysa xilli xisbiyada mucaaradka ka digayaan in doorasho hal dhinac ka qabsoonto Puntland, iyagoo dacwad u gudbiyay maxkamadda Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa horay u sheegay in uu qaban doono doorasho waqtigiida ku dhacda, isaga oo ballan qaaday inaysan dhicin doonin muddo kororsi.
Xisbiyada mucaaradka ayaan illaa iyo hadda wax war ah kasoo saarin magacaabista xubanahaan cusub ee ku biiri doona guddiga doorashooyinka Puntland



