Muqdisho, 1 Janaayo 2026 (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay cawaaqib halis ah oo heer gobol iyo mid caalami ah oo ka dhalan kara tallaabada Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland, isaga oo sheegay in hirgelinta waxa uu ku tilmaamay heshiis saddex-qodob ah ay furi karto “sanduuqa qalalaasaha”.
Wareysi gaar ah oo uu siiyay telefishinka Al Jazeera, ayuu madaxweynuhu ku sheegay in xogta ay hayaan hay’adaha dowladda ay muujinayso in aqoonsiga Israa’iil uu ku xiran yahay saddex arrimood oo Somaliland ay ogolaatay, kuwaas oo kala ah: dib-u-dejinta Falastiiniyiin sida qasabka ah looga soo barakicinayo dhulkood, in saldhig milatari ay Israa’iil ka sameysato xeebaha ku teedsan Gacanka Cadmeed, iyo ku biirista Somaliland ee Heshiisyada Abrahaam ee dhiirrigeliya in caadi laga dhigo xiriirka Israa’iil iyo dalal Carbeed.
“Kuwani waa saddexda dalab ee Israa’iil, sida ku cad xogta aan hayno ee ay Somaliland aqbashay,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo carrabka ku adkeeyay in arrintu aysan ahayn hal tallaabo oo gooni ah, balse ay tahay dhowr arrin oo isku xiran ayna ugu waawaynyihiin saddexdan qodob.






