Muqdisho, Soomaaliya — Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa casuumaad isku imaansho u diray madaxda Dowlad Goboleedyada Puntland, Galmudug, Hirshabelle, iyo Koonfur Galbeed si ay uga arrinsadaan “Gogosha Wadahadal” ee uu dhawaan ku dhawaaqay.
Shirka lagu baaqay, oo uu ka qeybgalin doonin madaxweynaha Jubbaland, ayaa la sheegay in uu ka dhacayo magaalada Muqdisho taariikhda 1da iyo 2da May. Shirka ayaa loo qorsheeyay in uu noqdo mid lagu xallinayo arrimo siyaasadeed oo muhiim u ah dowladda iyo dowlad goboleedyada.
Madaxtooyada Soomaaliya oo dhankeeda noo xaqiijisaay casuumaadda ayaa sheegtay in kulanku uusan ahayn kii NCC, oo uu yahay mid looga arrinsanayo ajandaha iyo habraaca shirka uu madaxweynaha ku dhawaaqay



