Muqdisho (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u aqoonsaday kaalinta Mareykanka ee taageerada Soomaaliya ee la dagaallanka Alahababa iyo Daacish , isagoo muujiyay muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee lagu gaarayo horumarada amniga. Waxa uu hadalkan ka jeediyay muuqaal duuban oo uu ugu diray jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ku nool Mareykanka xafladda xuska maalinta Xorriyadda ee dalkaas.
“Mareykanka gaar ahaan waxaan uga mahadcelinayaa kaalinta muuqata ee uu ka qaatay dagaalka lagaga jiro argagixisada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan. “Iskaashigeennu waxa uu keenay horumar muuqda oo lagu wiiqay shabakadaha xagjirka ah ee khatarta ku ahaa Soomaaliya iyo Geeska Afrika.”
Madaxweynaha ayaa tilmaamay sii socoshada iskaashiga ciidammada, oo ay ku jiraan tababarada, qalabka, iyo talooyinka istaraatiijiyadeed, kuwaas oo kor u qaaday awoodda Soomaaliya ee ka jawaabista khataraha amni. Sidoo kale, waxa uu ugu mahadceliyey dalalka saaxiibbada ah ee bixiyey taageero bini’aadantinimo, siyaasadeed, iyo dhaqaale intii Soomaaliya ku guda jirtay dhismaha dowladnimada.





