Addis Ababa (Dawan) –Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Addis Ababa si uu uga qayb-galo Shirweynaha Labaad ee Qaramada Midoobey ee Dib-u-eegista Nidaamyada Cuntada (UNFSS+4), kaasoo ay si wadajir ah u martigelinayaan Itoobiya iyo Talyaaniga, kana socda xarunta UNECA ee Addis Ababa inta u dhaxaysa 28 ilaa 29-ka Luulyo.
Shirkan ayaa ah madal heer caalami ah oo dib loogu eegayo horumarka laga gaaray tan iyo shirkii 2021 ee nidaamyada cuntada, loogana golleeyahay in dib loo adkeeyo ballanqaadyada caalamiga ah ee ku aaddan sidii nidaamyada cuntada loogu beddeli lahaa kuwo adkeysi leh, sinnaanta ku dhisan, oo waara, si kor loogu qaado yoolalka horumarka waara (SDGs).
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la mid noqday in ka badan 100 hoggaamiye caalami ah iyo wufuud ka socda hay’ado kala duwan oo caalami ah, kuwaasoo kulanka diiradda ku saaraya xoojinta isla xisaabtanka, kobcinta maalgashiga, iyo isku keenidda siyaasadaha lagu horumarinayo nidaamyada cuntada. Shirka ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan caqabadaha la xiriira amniga cuntada oo ka dhashay isbeddelka cimilada, xasaradaha siyaasadeed, colaadaha, iyo hoos u dhaca dhaqaalaha — xaalado si gaar ah u taabanaya dalalka nugul sida Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed, ayaa la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu farriin uu ku soo qoray barta X (horey Twitter) ku soo dhaweeyay Madaxweynaha, isagoo ku tilmaamay “walaalkay,” kuna nuuxnuuxsaday xiriirka taariikhiga ah, dhaqameed iyo diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal. “Waxaan ka go’an tahay inaan sii xoojino xiriirka walaaltinimo,” ayuu yiri Abiy.






