Muqdisho28 Diseembar 2025 (Dawan)- – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool gobollada waqooyi, inay is-dejiyaan oo ay mideysnaadaan si loo difaaco midnimada qaranka iyo wadajirka dhuleed, kaddib tallaabadii Israa’iil ay ku aqoonsatay Somaliland.
Madaxweynaha oo maanta khudbad ka jeediyay Labada Aqalka ee Baarlamaanka ayaa sheegay inaan la joogin xilli la abuuro kala-qoqob qabiil ama mid goboleed,balse ay tahay in la mideeyo awoodda iyo garashada dadka Soomaaliyeed si loo difaaco jiritaanka iyo madaxbannaanida dalka.
Isagoo si gaar ah ula hadlay hoggaamiyeyaasha Somaliland, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga digay inay la saftaan ajandayaal shisheeye oo horseedi kara qalalaase iyo xasillooni darro. “Shacabka gobollada Waqooyi, jiho qaldan, ha u riixina, hana u horseedina masiir mugdi ah" ayuu yiri.
Madaxweynaha ayaa mar kale adkeeyey in mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan tallaabada Israa’iil uu yahay mid cad oo aan isbeddelayn.
Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa carrabka ku adkeeyey in wadahadalku weli yahay dariiqa ay dowladda doorbideyso. “Waxaa weli naga go’an in wadahadal micno leh laga galo maamulka Somaliland, si l midnimada oo xoojiyo, isfahm waaga jirana meesha looga saaro oo Soomaaliya oo mid ah oo dhinac u wada jeeda aan u helno" ” ayuu yiri.





