Kampala (Dawan)- Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa Arbacadii la kulmay Hoggaamiyaha Jabhadda RSF ee dagaalka kula jirta Ciidamada dalka Suudaan.
Waa markii ugu horeysay ee hoggaamiyaha RSF, Maxamed Xamdaan Daglo lagu arko meel ka baxsan gudaha Suudaan tan iyo markii uu dagaalka ka qarxay dalkaas bishii April.
Warbaahinta Uganda ayaa sheegtay in Madaxweyne Museveni uu ku qaabilsay Daglo guriga uu ku leeyahay miyiga Degmada Kiruhura ee Koonfur-galbeed Uganda, iyaga oo kawada hadlay sidii loo damin lahaa colaadda Suudaan.
Dhankiisa, Hoggaamiyaha RSF, ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa X ku sheegay inuu Madaxweyne Museveni kala hadlay xaaladdii ugu dambeysay Suudaan, iyo dhibaatada ay dadku kala kulmeen colaadda.
"Waxaan Madaxweyne Museveni sharaxaad dheeraad ah ka siiyey sababihii keenay in uu dagaalku qarxo, oo ay huriyeen taageerayaashii taliskii hore ee Cumar Al-Bashiir. Waxaan sidoo kale soo bandhigay aragtideena ah in la joojiyo dagaalka si loo dhiso Dowlad Cusub oo ku dhisan caddaalad" ayuu yiri, Daglo.
Hoggaamiyaha RSF ayaa hoosta ka xariiqay in ay ku dhegganyihiin qodobbadii ka soo baxay shir madaxeedkii IGAD ee lagu soo gebagabeeyey dalka Jabuuti, isaga oo ballan qaaday in ay diyaar u yihiin fulinta waxyaabihii lagu heshiiyay si loo soo afjaro colaadda.
IGAD waxa ku dhawaaqday 11-kii bishaan December, in hoggaamiyaasha labada dhinac ay yelaan doonaan kulan toos ah kadib 7 bilood oo ay ku jireen dagaal culus.
Fiidnimadii Arbacada, Dowladda Jabuuti ayaa ku wargelisay labada dhinac in dib loo dhigay kulankii lagu ballansanaa ilaa bisha January ee soo socota.






