Dhuusamareeb (Dawan) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray xarumo dowladeed oo cusub oo laga hirgeliyey magaalada Dhuusamareeb, ee caasimadda Galmudug, kuwaas oo mas’uuliyiintu ku tilmaameen tallaabo muhiim u ah dowlad-dhiska.
Madaxweynaha oo uu wehlinayay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarig jaray xarumaha cusub ee Golaha Wakiillada Galmudug, Dawladda Hoose ee degmada Dhuusamareeb iyo xarunta casriga ah ee Shaybaarka Baaritaanka Tayada Dhismaha iyo Waddooyinka.
Xarunta Golaha Wakiillada Galmudug ayaa filayaa inuu qeyb muhiim ah ka qaato howlaha sharci-dejinta ee deegaanadda. Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey Kalfadhiga 12-aad ee Golaha Wakiillada ayaa Galmudug ku ammaanay horumarka ay ka sameynayaan adeegyada dowlad dhiska, isaga oo sheegay in ay tusaale u noqon karaan dowlad-goboleedyada kale ee dalka.





