Muqdisho (Dawan) – Saddex madaxweyne hore oo Soomaaliya ah ayaa markii ugu horreysay soo saaray war-saxaafadeed wadajir ah, iyagoo si adag u dhaliilay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud una soo jeediey inuu ka waantoobo wax ay ku tilmaameen ku takri-falka hantida danta guud.
Waraaqda Madxweynayaasha oo ay soo dhigeen barahooda bulshada Madaxweynayaashii hore ee kala ah Shariif Sheekh Axmed, iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uuna kula saxiixnaa Cabdiqaasim Salaad Xasan oo isna madaxweyne hore ahaa balse aan meels rasmi ah ku shaacin ayaa lagu sheegay in dowladdu ay si bareer ah ugu xad-gudubtay dastuurka, iyadoo sharci darro ku wareejisay dhul loogu talagalay danta guud..
War-saxaafadeedka ayaa si gaar ah u xusay Madaxweyne Xasan Sheekh, iyagoo ugu baaqay inuu joojiyo waxa ay ku tilmaameen ku takri-fal hantida dadweynaha iyo awood sheegasho ka dhan ah dadka danyarta ah.
“Waxaan ugu baaqaynaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu joojiyo ku takri-falka Hantida Danta Guud iyo awood sheegashada dadka danyarta ah ee uu u dhaartay inuu u adeego,” ayaa lagu yiri qoraalka ay wadajir u soo saareen.





