Hargaysa — Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaas oo uga bilaabatay booqasho rasmi ah oo qaadan doonta muddo saddex maalin ah.
Warbaahiinta Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in madaxweynaha Somaliland uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayna yeelan doonaan wada-hadallo gaar ah oo diiradda lagu saarayo xiriirka iyo danaha iskaashi ee ka dhexeeya labada dhinac.
Booqashada Cirro ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirrada iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda uu hoggaamiyo Cirro, kuwaas oo qeyb ka noqon doona wada-hadallada labada dhinac.
War qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in kulanka labada Madaxweyne uu si gaar ah diiradda u saari doono xiriirka labada dhinac iyo sidii loo xoojin lahaa iskaashiga ka dhexeeya Somaliland iyo Djibouti.






