Hargeysa – Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ay wehlinayaan Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ku qaabilay Qasriga Madaxtooyada qusulka Itoobiya u fadhiya Somaliland Teshome Shunde Hamito.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada, kulanka waxaa lagu adkeeyay go’aanka labada dhinac ee ah in la xoojiyo xiriirka diblomaasiyadeed iyo in la sii joogteeyo kulamada wax-ku-oolka ah. Waxaa sidoo kale si gaar ah looga hadlay arrimaha socdaalka iyo isu-socodka dadka ee labada dhinac.
Xiriirka Somaliland iyo Itoobiya ayaa aad u xoogaystay xilligii Madaxweyne Muuse Biixi, gaar ahaan heshiiskii muranka dhaliyay ee badda oo labada dhinac kala saxeexdeen billowgii sanadka 2024. Hase yeeshee, tan iyo doorashadii Madaxweyne Cirro dhamaadkii sanadkii hore, isdhexgalka diblomaasiyadeed ee labada dhinac ayaa yaraaday.



