Soomaaliya, 4 November 2025 — Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi “Cirro,” ayaa Isniintii Madaxtooyada ku qaabilay Qunsulka Guud ee Turkiga u qaabilsan Somaliland, Ozan Pekin, iyo ku-xigeenkiisa, isagoo ku adkeystay in Somaliland u baahan tahay in Turkigu ula dhaqmo si cadaalad ah oo ku saleysan ixtiraam iyo iskaashi dhab ah.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka labada dhinac iyo kor u qaadista iskaashiga dhinacyada diblomaasiyadda, ganacsiga, maalgashiga, iyo mashaariicda horumarineed ee Turkigu ka fuliyo Somaliland.
Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in Somaliland aysan ka xumeen taageerada Turkigu siiyo guud ahaan dadka Soomaaliyeed, balse wuxuu carrabka ku adkeeyay in Somaliland loo baahan yahay in loola dhaqmo sidii dal madax-bannaan oo nabad ah, dimuqraadi ah oo loola dhaqmo si caddaalad ah.
“Madaxweynuhu waxa uu xusay inSomaliland ay mudan tahay in si cadaalad ah Turkigu ula macaamilo maadaama ay tahay dal madax-bannaan, nabad ah, dimuqraadi ah, isla markaana si dhab ah diyaar ugu ah iskaashiga beesha caalamka,” aya alagu yiri bayaan ka soo baxay Madatooyada.
Dhankiisa, Qunsulka Turkiga ee Somaliland, Ozan Pekin — oo xilka la wareegay Sebtembar 2025 — ayaa madaxweynaha uga mahadceliyay soo dhoweynta.
Turkigu ayaa qunsuliyaddiisa Hargeysa furay 2014-kii, iyadoo xiriirka labada dhinac uu inta badan ku saleysnaa mashaariic horumarineed, waxbarasho iyo barnaamijyo dhalinyarada loogu talagalay, inkasta oo Somaliland marar badan ka dalbatay Ankara in ay u muujiso aqoonsi iyo cadaalad siyaasadeed.

