Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa ku biiray hogaamiyayaasha caalamka ee cambaareeyay isku daygii dilka ahaa ee lala damacsanaa madaxweynihii hore ee Mareykanka Donald Trump.
War-saxaafadeed kasoo baxay madaxweyne Geelle ayaa u qornaa sida soo socota; " Waxaan si adag u cambaareynayaa isku-dayga dil ee foosha xun ee naxdinta leh. Rabshadaha siyaasadeed waxay khatar weyn ku yihiin xasilloonida caalamka, waa in si aan leex leexad lahayn loo cambaareeyo loogana hortago"
Nin 20 jir ah oo lagu magacaabo Thomas Matthew Crooks ayaa isku dayay inuu dilo Trump xilli uu taageerayaashiisa kula hadlayay Pennsylvania, waxaana soo gaaray dhaawac fudud.
Trump ayaa hore uga badbaaday isku day dil sannadihii 2016 iyo 2017.





