Jabuuti (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Safiirrada cusub ee dalalka Japan, Rwanda iyo Canada.
Safiirada laga guddoomaya warqadaha aqoonsiga ayaa kala ah Hara Keiichi oo u dhashay Japan, Jeneraal Charles Karamba oo ka socda Rwanda, iyo Joshua Tabah oo Canada ku meteli doona dalka Jabuuti.
Madaxweynaha Jabuuti ayaa hoosta ka xariiqay muhiimadda ay magacaabista Safiiradaan u leedahay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Jabuuti kala dhaxeeya dalalka dunida, wuxuuna u rajeeyay Safiirada cusub in sida ugu wanaagsan u gutaan shaqadooda.
Geelle ayaa intaas raaciyay in Xukuumadda Jabuuti ay diyaar la tahay wax kasta oo shaqadooda u fududeynaya si looga wada shaqeeyo danaha laba geesoodka ah.
Safiirada cusub ayaa Madaxweynaha iyo Dowladda Jabuuti uga mahadceliyey soo dhaweynta diirran ee loo sameeyay, iyaga oo xaqiijiyay in ay ka shaqeyn doonaan sidii kor loogu qaadi lahaa xiriirka dalalkooda kala dhaxeeya Jabuuti.




